Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (2024)

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (1)

Xigashada Sawirka, Getty Images

Awoodaha milatari ayaa lagama maarmaan u ah dalka kasta oo dooneya inuu ilaalsado xuduudihiisa iyo danaihiisa guud.

Shabakada Global Firepower Network iyada oo u mareysa cilmi baaris ay sameysay waxay liis garraysay awoodaha ciidamada dalalka Africa iyadoo lagu saleynayo tirada ciidamada, cirka, dhulka, dhaqaalaha loo qoondeeyay ciidamadan, qalabka militariga, kheyraadka dabiiciga ah, awooda ciidamada badda iyo wixii la mid ah.

Haddaba waa kuwee 10-ka waddan ee ugu awoodda badan marka la eego milatariga:

1: Masar

Masar guud ahaan waa waddanka hogaamiya militariga qaarada Afrika sababa laxiriira tirada ciidankeeda. Dalkan ayaa sidoo kale kaalinta 12-naad ku jira marka la eego awoodaha milatari ee caalamka.

Ciidanka Masar waxay leeyihiin: Ciidanka badda, ciidanka cirka.

Ilaa 500,000 oo askari ayaa ayaa lagu qiyaasaa ciidamada Masar, waana tiradii ugu badnayd ee waddammada Afrika.

Marka laga soo tago ciidankeeda militariga oo aad u tiro badan, Masar waxay kaloo leedahay 10,000 oo gaadiid dagaal ah, 60,000 oo ah gawaari gaashaaman, 1092 diyaaradood oo militari iyo ceelal badan oo saliid ah.

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (2)

Xigashada Sawirka, AFP

Si kastaba ha noqotee, waxaa jira hal shay oo ka dhigaya ciidanka Afrika ugu awoodda badan waana ciidamada badda, oo ku qalabeysan maraakiibta dagaalka ee nukliyeerka iyo maraakiibta quusa.

Ciidanku waxay xukunka hayeen tan iyo markii inqilaabkii militarigu afgembiyeen madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay ee Maxamed Morsi oo uu meesha ka saaray al Sisi.

2: Al-jeeriya

  • Maxaa u sabab ah in militariga Masar ay ka awood badan yihiin kuwa Turkiga?
  • Isbarbardhigga awoodda militari ee Soomaaliya, Kenya iyo Itoobiya
  • 16-kii askari ee Kismaayo ka lugeysay sidey Baraawe ku gaareen?

Sida dalalka kale ee Galbeedka Afrika, Aljeeriya waxay ku guuleystay inay hawl geliso ciidan awood badan, oo ka dhisan dhulka bad iyo cirba.

Guud ahaan marka la eego awoodaha miltari ee addunka, Aljeeriya waxay soo galeysaa kaalinta 27-aad. Waxay leedahay ku dhowaad 130,000 oo askari, iyo 2,000 oo ah gawaarida gaashaaman ah.

Dalka weli safiican uma xasilin kadib iscasilaadii madaxweynahoodii ugu mudada dheeraa balse militariga ayaa helay sare u kacay maadaama xasilooni darada iyo kacdoonka shacabka ay sii socdaan.

Abaanduulaha ciidamada ayaa walaac ka muujiyay dib u dhaca doorashada ee la soo jeediyay ee sababi kara qalalaase ka dhaca dalka.

3: Koonfur Afrika

Maaddaama dalka aanu dagaal gelin mudoo dheer hadda, Koonfur Afrika wuxuu ciidankeeda adeegsaneyaa teknolojiyada casriga ah si ay u ilaaliso nabadda iyo iskaashiga caalamiga ah. Colaad la'aantu kama hor istaagin inay ciidankeeda u qoondeyso $ 4.6b.

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (4)

Xigashada Sawirka, South African troops

Diyaaradeeda iyo qalabkeeda badda waxay leeyihiin teknolojiyad casri ah, inkasta oo ay leedahay 100,000 oo askari, hadana waa ay awood badan yihiin.

Intaa waxaa dheer in ay leedahay tikniyoolajiyad casri ah oo hawada iyo dhulka ah, militarigeena wuxuu caan ku yahay tayada sare.

4: Nigeria

Wadanka Galbeedka Afrika ayaa dagaal kula jira mintidiinta Boko Haram in ka badan toban sannadood.

In kasta oo guul weyn laga gaadhay mudoo xileedkii ugu horreeyay ee Madaxweyne Buhari, hadana ciidanka ayaa la kulmay dharbaaxo sannadkii la soo dhaafay sababtoo ah waxaa loo tababaray la dagaalanka ciidan kale badalkii la bari sida loola dagaalamo ciidamada isticmaala dagaalka ku dhufo oo ka dhaqaaq ah.

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (5)

Xigashada Sawirka, Nigerian soldiers

Si la mid ah Aljeeriya iyo Masar, ciidamada qalabka sida ee Nigeria waxay awood u leeyihiin inay dadaalka lagu tayeeynayo ciidamadooda sababo la xiriira kheyraadkooda saliida.

Nigeria waxay leedahay in kabadan 1800 oo gawaari militari ah, 250 taangiyo, 6000 oo kale oo gawaari gaashaaman intaa waxaa dheer 300 oo diyaarado militari ah iyo 25 markab oo kuwa badda ah.

Si kastaba ha noqotee, awoodda badmaaxyaasheeda ayaa ah mid aad u hooseysa marka loo eego dalalka kale ee Afrika ee leh soohdinta badda.

5: Itoobiya

Waa dalka keliya ee aan xuduud-baddeed lahayn oo ka mid ah shanta waddan ee ugu awoodda badan xagga awoodda milateriga. Dalku waxuu dhaqaalihiisa iugu badan ku bixiyaa tayeeynta ciidankooda.

Shabakadda GFP ma uma diidi karto dalkan aan badda lahayn inuuu sameysto ciidanka badda.

Raiisel wasaare Abiy Ahmed ayaa xiriir wanaagsan lalahaa ciidankiisa tan iyo markii uu xafiiska lawareegay iyadoo la arkayay militariga oo booqanaya qaar kamid ah mashaariicda wasiirka una sharaxayay aragtidiisa dalka.

Dalkan ayaa dhowr sano hada kujiray dagaal sokeeye, awooda in la helo ciidan xasiloon ayaa lagu sheegay inay tahay qatar ay ugu wacan tahay maleeshiyada Al-Shabab.

Itoobiya hada waxay leeyahay 140,000 oo ciidan ah iyadoo 2 milyan oo qof sanad walba gaaraan da'da militariga.

6: Angola

Ciidanka Angola wuxuu leeyhay saddex qeybood: Ciidanka Cirka, dhulka iyo Badda.

Horaantii sanadkaan ajandaha isbedelka ee madaxweyne Lourenco waxaa qaatay militariga iyadoo shaqada laga eryay 88 jeneraallo milatari ah.

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (6)

Xigashada Sawirka, LOCKHEAD

Talaabadan ayaa timid kadib markii taliyaha ciidamada uu shaqadiisa waayey markii xeer ilaaliyaha guud uu sheegay inuu ku socdo baaritaan la xiriira musuq maasuq.

Dalkan oo leh ceelal shidaal ayaa waxaa u fududaatay inuu helo kharashaadka badan ee ku baxayaa ciidamada. Wxay Angola leedahay 100,000 oo ciidan, 585 oo ah gawaari milatari, 300 oo taangi, 285 diyaaradood oo ah kuwa milatariga iyo 57 markab oo kuwa dagaalka ah.

7: Morooko

Horraantii sanadkan, Boqor Mohammed VI wuxuu dowladda ka codsaday inay askar ka qorto 10,000 oo reer Marooko ah oo ka mid noqonaya militariga muddo hal sano ah, waxaana la filayay in tiradaasi ay kororto oo ay gaarto 15,000 sanadka 2021-ka.

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (7)

Xigashada Sawirka, BBC / TWITTER

Ciidanka boqortooya wuxuu leeyahay 196,000 oo askari.

Waxay kaloo leedahay Moroko 291 diyaaradood, 2,720 oo gawaarida gaashaaman ah, 1,109 taangi iyo 121 maraakiibta quusa ah.

Hawlgalinta ciidamadeeda Galbeedka Saxaraha ayaa weli ah caqabadda ugu weyn ilaa maanta.

8: Suudaan

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (8)

Xigashada Sawirka, MAXINE COLLINS

Milariga Suudaan ayaa waxaa uu sare u kacay xilligii madaxweynhihii hore Cumar Xasan Al-bshiir wuxuuna maal gelin ka helyay Sacuudiga dhowrkii bilood ee la soo dhaafay markii ay xukunka la wareegeen milatariga.

Ciidankan ayaa waxa ay gaarayaan 104,000 oo askari, 191 diyaarado militari, 410 taangi, 403 gaadiidka dagaalka ah iyo 18 markab oo quusa.

9: Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (9)

Xigashada Sawirka, AFP

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Koongo waa dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika oo ay ku nool yihiin 86 milyan. Qaramada Midoobey wali ciidamo ayaa ka jooga dalka maxaa yeelay ciidamadoodu ma awoodaan inay la tacaalaan howlaha nabad ilaalinta.

Dib-u-habeynta amniga dalka waxay soo bilaabatay 2003-dii ka dib muddo ay dagaallo sokeeye socdeen.

Dalku wuxuu leeyahay 134,000 oo ciidan inkasta oo tiradaasi ay jirto hadana wali waa ay ka hooseysaa dhanka tababarka marka loo eego ciidamada wadamada kale.

10: Liibiya

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (10)

Xigashada Sawirka, Reuters

Milatariga si wanaagsan ayuu u qalabeysan yahay dabcan lacagta ka timaadda iibinta saliida ayaana sabab u ah.

Waddanku wuxuu hadda u kala qaybsan yahay Tripoli iyo jeneraalka fallaagada ah, General Haftar, oo ay taageerayaan waddammada reer galbeedka ee awoodda badan sida Mareykanka.

Iyada oo ay taasi jirto ayaa hadana dalka wali waxa uu haystaa 2,500 oo gaadiid dagaal ah, 500 oo taangi, 600 oo hub ah iyo 6,500 oo ah gaadiidka dagaalka.

Dhanka kale Global Firepower ayaa ku qiimeysay Kenya kaalinta 12-aad, Uganda kaalinta 14-aad halka Tanzania ay kaalinta 23-aad ka gashay Afrika.

Waa kuwee 10-ka dal ee Afrika ugu awoodda badan dhanka milatariga sanadkan? - BBC News Somali (2024)
Top Articles
The Retirement Plan Showtimes Near Regal Thornton Place
Steelweb Usw
My Arkansas Copa
Dannys U Pull - Self-Service Automotive Recycling
Best Team In 2K23 Myteam
How Many Cc's Is A 96 Cubic Inch Engine
Wal-Mart 140 Supercenter Products
What's Wrong with the Chevrolet Tahoe?
Xm Tennis Channel
Keurig Refillable Pods Walmart
Rapv Springfield Ma
Shemal Cartoon
Nba Rotogrinders Starting Lineups
Lancasterfire Live Incidents
111 Cubic Inch To Cc
Wicked Local Plymouth Police Log 2022
How To Level Up Roc Rlcraft
Milanka Kudel Telegram
eHerkenning (eID) | KPN Zakelijk
Noaa Duluth Mn
Dallas Mavericks 110-120 Golden State Warriors: Thompson leads Warriors to Finals, summary score, stats, highlights | Game 5 Western Conference Finals
Lisas Stamp Studio
Pearson Correlation Coefficient
Wics News Springfield Il
Sandals Travel Agent Login
Divina Rapsing
Coindraw App
Yale College Confidential 2027
TMO GRC Fortworth TX | T-Mobile Community
In hunt for cartel hitmen, Texas Ranger's biggest obstacle may be the border itself (2024)
Imagetrend Elite Delaware
Happy Shuttle Cancun Review
Bad Business Private Server Commands
Kristen Hanby Sister Name
One Credit Songs On Touchtunes 2022
Tds Wifi Outage
Enjoy4Fun Uno
Nancy Pazelt Obituary
Review: T-Mobile's Unlimited 4G voor Thuis | Consumentenbond
Scarlet Maiden F95Zone
SF bay area cars & trucks "chevrolet 50" - craigslist
Tfn Powerschool
Leland Nc Craigslist
Cabarrus County School Calendar 2024
Petfinder Quiz
3367164101
San Diego Padres Box Scores
Slug Menace Rs3
Marion City Wide Garage Sale 2023
Craigslist Monterrey Ca
Bomgas Cams
Elizabethtown Mesothelioma Legal Question
Latest Posts
Article information

Author: Mr. See Jast

Last Updated:

Views: 6186

Rating: 4.4 / 5 (55 voted)

Reviews: 86% of readers found this page helpful

Author information

Name: Mr. See Jast

Birthday: 1999-07-30

Address: 8409 Megan Mountain, New Mathew, MT 44997-8193

Phone: +5023589614038

Job: Chief Executive

Hobby: Leather crafting, Flag Football, Candle making, Flying, Poi, Gunsmithing, Swimming

Introduction: My name is Mr. See Jast, I am a open, jolly, gorgeous, courageous, inexpensive, friendly, homely person who loves writing and wants to share my knowledge and understanding with you.